Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa tan iyo waabarigii shalay duqeymo isdaba joog ah ka fuliyay marinka go’doonsan ee Qazza, kuwaas oo uu la beegsaday guryo, iskuullo, teendhooyin ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, maqaayado, iyo suuqyo ay ku badan yihiin dad rayid ah, isagoo xasuuqyo ka geystay waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta marinka Qazza, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo dad goobjoogayaal ah.
Waxaana ka mid ahaa, duqeyn cirka ah oo uu gumaystaha Yahuuddu habeenkii xalay ku qaadday guri ku yaalla magaalada Bayt Lahiyah ee woqooyiga marinka Qazza, taas oo ay ku shahiideen Saddex qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo iyagana ahaa shacab aan waxba galabsanin.
Isla magaalada Bayt Laahiyah, waxaa lasoo sheegayaa shahiidka saddex ruux oo shacab ah iyo dhaawaca tiro kale, kadib duqeyn cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay qoys Falastiini ah oo degan meel u dhow iskuul lagu magacaabo Talla-Rabiica oo ku yaalla magaaladaasi.
Galabnimadii shalay oo Arbaco ahayd, labo qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib weerar cirka ah oo ay Yahuuddu ku qaadday teendho ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla meel bariga ka xigta barkadda Sheekh Ridwaan, ee waqooyiga magaalada Qazza.
Iyadoo intaasi lagu biirinayo, shahiidka Labo qof oo shacab ah, kuwaas oo ku baxay duqeyn cadawtooyo oo ay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuuddu la beegsatay dad rayid ah oo ku kulunsanaa xaafadda Azeytuun ee ka tirsan magaalada Qazza.
Gumeystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa maalintii shalay xasuuq ba’an ka geystay maqaayad iyo suuq caan ah oo ku yaalla xaafadda Arrimaal ee galbeedka magaalada Qazza, halkaasoo ay ku shahiideen ugu yaraan 32 qof oo rayid ahaa, kuna dhaawacmeen 86 kale oo dhamaantood ahaa shacab birimagayda ah oo aan waxba galabsanin, sida ay ku warantay wakaaladda Falastiin ee Wafaa.
Waxaa majzaradaan kasii horeeyay, xasuuq kale oo uu gumaystaha Yahuuddu ka geystay xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza, halkaasoo ay ku shahiideen 16 qof oo rayid ahaa, kadib markii ay Yahuuddu duqeyn la beegsatay Iskuulka Al-Karama, kaasoo hoy u ahaa qoysas barakacayaal ah.
Wakaaladda ku hadasho af-ka Falastiiniyiinta ee Wafaa oo soo xiganayso ilo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegtay, in tirada dadka ku shahiiday Marinka Qazza shalay oo kaliya ay gaartay 100 qof oo shacab ah, kuwaas oo dhamaantood ku baxay majaazirta iyo isir-sifaynta uu kayyaanka Yahuuddu ka wado Marinka go’doonsan ee Qazza, xilli dunida oo dhan ay isha ka daawanayso waxa ka socda xayndaabka Qazza.
Allaah Subxaanahuu watacaalaa ayaan ka baryaynaa inuu ka dulqaado ehelkeena Reer Qazza cadawga aan u diirnaxaynin ee ku habsaday, uuna siiyo nasri degdeg ah iyo futuuxaad caajil ah.