Saturday, May 10, 2025
HomeAll NewsCabdimaalik Muuse Coldoon oo Laga sii Daayay Xabsi ku Yaalla Magaalada Hargeysa.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Laga sii Daayay Xabsi ku Yaalla Magaalada Hargeysa.

Maalintii shalay waxaa markale xurriyaddiisa dib uhelay, samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo u xirnaa maamulka la baxay Soomaaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Haregysa.

Deysmada Camdinaalik ayaa timid, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay maamulka la baxay Soomaaliland uu ku xukumay 6 bolood oo xabsi ah iyo in uu bixiyo lacag dhan 300 oo Doollar.

Ehellada Coldoon ayaa kol sii horreysay sheegay, n xariga loo iibin karo, ugu dambaynna maalintii shalay ayuu dib uhelay xurriyadiisa iyadoo laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa.

Muddo bil iyo 4 maalmood ah ayuu wariyahaan ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, kadib markii ciidamo katorsan maamulka la baxay Soomaaliland ay kasoo qabteen magaalada Berbera ee woqooyiga Soomaaliya.

Maaamulak la baxay Soomaaliland ayaa marar badan waxa uu xabsiga utaxaabay Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaana intaa badan eed looga dhigaa inuu jeediyo hadallo uu ku dhaliilayo maamulkaas.

Halkaan ka Degso Warka Coldoon

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.