Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa hadba qodobka ugu weyn ee todobaadkaas taagan, iyadoo mararka qaarna lagu soo gudbiyo mawaadiic gaar ah oo ahmiyad xambaarsan.
Barnaamijka Diirada jimcaha waxaa maanta looga hadlay tacabka beeraha iyo sida looga faa’iideysan karo, waxaana ka qeyb gelaya khubaro ku xeeldheer tacbarashada beeraha.
Marti kala duwan ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Diirada jimcaha oo uu soo jeedinayo Wariyaheena Maxamed Daahir.