Dalka Itoobiya waxaa kusii kordhaya xasuuqa iyo isir sifeynta ay isku geysanayaan qowmiyadaha Itoobiya, si gaar ah kuwa ugu tunka weyn ee Amxaarada iyo Oromada.
Maamulka Oromiya iyo xisbiga mucaaradka ah ee OLF ayaa bayaanno ay soo saareen waxa ay si adag ugu cambaareeyeen, afduub iyo dil foolxun oo ay maleeshiyaadka Amxaarada ugeysteen wiil dhalinyaro ah.
Maleeshiyaadka FANO oo wiilka dhalinyarada ah ka afduubtay gobalka Oromiya ayaa waxa ay ay ku gowraceen degmo katirsan gobalka Shewa ee dalka Itoobiya.