Ugu yaraan 4 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku geeryoodeen roobab mahiigaan ah oo habeenkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, halka ay sidoo kale roobabku geysteen khasaare hantiyeed iyo burburka wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay eedeymo culus ujeediyeen Dowladda Fedaraalka, iyagoona ku eedeeyay iney ka qaado canshuuro joogto ah, saasoo ay tahayna aysan waxba ugu qaban.
Meelaha uu sidoo kale roobku saameeyay waxaa kamid ah, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay biyo buux dhaafiyeen goobaha muhiimka ee garoonka, sida qeybaha baaritaannada, xarumaha shirkadaha, qeybta sugitaanka dadweynaha ee diyaaradaha , iyo xafiisyo kale oo ku yaalla garoonka.
Garoonka Muqdisho oo ay maaamusho sharikad laga leeyahay Turkiga ayaa muuqaneysa ineysan waxba ka qaban arrintaan, iyadoo taas badalkeeda dhaqaale xad dhaaf ah ka sameysa garoonka, sidoo kalana uu Turkigu la wareegay ilihii dhaqaalaha ee dalka.