Saturday, May 10, 2025
HomeAll NewsItoobiya oo soo Bandhigtay Ciidamo ay ku Sheegtay iney Yihiin Ilaalada Xeebaha.

Itoobiya oo soo Bandhigtay Ciidamo ay ku Sheegtay iney Yihiin Ilaalada Xeebaha.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa soo bandhigtay ciidamo ay ku sheegtay iney yihiin kuweeda ilaalada xeebaha, iyadoo shaacisay halka ay ka howlgalayaan.

Madaxa waaxda kormeerka iyo halbeegga ee Boliska ee ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday, in la sameeyay ciidamo cusub oo ah ilaalada xeebaha ee dalka Itoobiya.

Ciidamadaan ayay Xabashidu sheegtay in ay ilaalin doonaan biyo xireenka weyn ee Abaay, ayna ka hor tagi doonaan khataraha soo wajahi kara biyo xireenkas.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Xabashida Itoobiya aysan laheyn wax bad ah, taasoo ay tahayna ay arrintaani kaga gol leedahay sidii ay ugu weerari laheyd xeebaha dalalka dariska la ah Itoobiya oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya iyo Eretrea.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.