Saturday, May 10, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo ka Horyimid Go'aannada Shirkii Xasan Sheekh uu ku Qabtay Muqdisho.

Mareykanka oo ka Horyimid Go’aannada Shirkii Xasan Sheekh uu ku Qabtay Muqdisho.

Mareykanka ayaa ka horyimid shirkii ay Dowladda Fedaraalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul gobaleedyada ku yeesheen Muqdisho, isagoona faray in mar kale lagu celiyo shirkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay war liidnaan ay ka muuqato kaasoo ku socda Dowladda Fedaraalka, islamarkaana ay uga hadleyso shirkii dhawaan kusoo gabagaboobay Muqdisho ee ay isugu yimaadeen hogaanka Dowladda Fedaraalka, iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arriimaha dibadda ee Mareykanka qeybteeda Afrika ayaa Dowladda Fedaraalka lagu amray, iney ka talageliso arrimaha siyaasadeed ee dhamaan wax ay uyaqaanaan shisheeyuhu saamileyda siyaasadda, oo ay ula jeedaan maamul goboleedyada oodhan, siyaasiyiinta mucaaradka iyo waxa ay ku magacaabaan ururada bulshada oo iyagu si toos ah ugu xiran shisheeyaha kusoo duulay dalka.

Haddii aysan sidaasi sameynin, waxaa Dowladda Fedaraalka loo sheegay in la aqoonsan doonin haddii ay la timaado wax aysan qeyb ka ahayn dhinacyada ay soo sheegeen.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.