Shariif Sheekh Axmad oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay hogaanka uhayso dagaalka ka socda dalka ee ka dhanka ah shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka.
Madaxweynihii dowladdii KMG, Shariif Sheekh Axmad sido kalena xilligan ah siyaasi mucaarad ah, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho kaga hadlay, dagaalka ka socda dalka ee udhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dhinac ah iyo shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka, wuxuuna sheegay in hogaanka dagaalka uu gacanta ugu jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu dhanka kale xusay iney dareemayaan khatar amni ciidankooduna ku burbureen dagaallada, isagoo tilmaamay in Dowladda Fedaralakuna dayacday.