Milateriga Bakistaan ayaa sheegay, in Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Shehbaaz Shariif uu maanta ku baaqay, shir ay isugu yimaadaan hay’ad ay ku midaysan yihiin taliska guud ee dowladdiisa, kadib markii Islaama-baad ay bilawday howlgal militari oo ka dhan ah Hindiya, kaas oo ay ugu magacdartay “Al-bunyaanu Marsuus” ayna ku beegsatay dhowr saldhig oo ka tirsan Hindiya.
Hay’addan ayaa ah kayyaan ugu sarreeyo ee dalkaas oo ka kooban mas’uuliyiin rayid ah iyo saraakiil ciidan, waxayna mas’uul ka tahay go’aannada amniga, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira hubka Nukliyeerka ee Bakistaan, arintaan oo laga yaaba inay cirka kusii shareerto dagaalka u dheeyo labadaasi dowladood ee ku qalabaysan hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka.
Baaqa Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan ayaa imaanaya, kadib markii ciidamada Bakistaan ay shaaciyeen, in ay weerar aargoosi ah la beegsadeen xarun lagu keydiyo gantaalada iyo saldhigyada hawada ee Hindiya, weerarkaan ayaana jawaab u ahaa hujuum ay Niyuu-Dalhi ku qaaday saddax saldhig oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Bakistaan, oo mid kamida uu ku yaalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Islama-Baad.