Sunday, May 11, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 20 Askari ku Dishay Maali...

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 20 Askari ku Dishay Maali iyo Burkina-Faso.

Wararka ka imaanaya wadamada galbeedka Afrika ee ay ka hawlgalaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nuratul Islaam Wal-Musliin ayaa kusoo waramaya, in hawlgallo ay mujaahidiintu fuliyeen lagu beegsaday qaar kamida ciidamadad dalalkaas, iyadoo ay mu’assada Az-Zallaaqah haabisay muuqaal cusub oo muujinaya dagaal dhawaan ka dhay dalka Burkiina-Faaso.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen askarta dalka Burkiina-Faaso, dagaalkan ayaa ka dhacay xarun ciidan oo ku taalla tuulada Biinadaa ee ka tirsan gobalka Waahiiquuyaa.

Jihaadiyiinta ayaana dagaalkan ku dilay illaa 6 askari oo ka tirsanaa militariga Burkiina-Faaso, waxayna ku furteen weerarkan 3 qori oo ah nooca Ak-47-ka, isla dalkaas waxaa sidoo kale ka dhacay dagaal kale oo lagu jabiyay ciidamada Burkiina-Faaso, kaas oo si gaara uga dhacay bar ciidan oo ku taalla deegaanka Fuusuu ee isla gobalka Waahiiquuyaa, waxana lagu dilay illaa 8 askari, iyadoo lagusoo furtay ku dhawaad 10 qori oo iskugu jira qoryaha daba-jeexyada ah iyo Ak-47-ka.

Geesta kale, dalka Maali oo kamida wadamada saaxilka Afrika, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa duulaan balaaran ku bartilmaameedsaday bar kaantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan militariga Maali, kaas oo ku yaalla duleedka magaalada Dawiinatzaa ee dalkaas.

Kaantarool kale oo laga galo magaalada Maarakaalaa ee gobalka Siiquu ayay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu ku dileen tiro kale oo askarta dalkaas ka tirsan, iyagoo kasoo furtay dhamaan hubkii ay ku qalabaysnaayeen. Iskusoo wada duuboo dagaalada ka dhacay dalka Maali ayaa sababay dhimashada illaa 8 askari oo ka tirsan militariga dalkaas, sida uu baahiyay muuqbaahiyaha mu’assada Az-Zallaaqah, iyada oo lagu daawan karo sawirada ciidamada dalkaas oo daadsan difaacyadii ay kaga sugnaayeen kantaroolda lagu weeraray.

Dhanka kale, muqaal kooban oo ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa lagusoo bandhigay dagaalkii dhawaan ka dhacay saldhiga ciidamada ee ku yaalla tuulada Laanafiir, weerarkan oo ku beegnaa Taalaadadii ina dhaaftay ayaa kamid noqnaya dagaalada taariikhiga ah ee ay ciidamada mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ku jabiyeen ciidamada Burkiina-Faaso.

Qaybaha ugu horeeya ee muqaalka ayaa waxaa kasoo muuqanaya qaar kamida hogaamiyiyaasha mujaahidiinta oo dardaaran guud siinaya ciidamada, kuwaas oo ku jira laxadaadkii ugu dambeeyay ee u diyaar garowga dagaalka.

Sida laga dheehan karo muuqaalka, ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa mar qura la wareegay  difaacyadii ay askarta dalkaas ku lahaayeen saldhiga la weeraray, waxaana isdaarka lagu arki karaa maydadka ciidamada Burkiina-Faaso oo daadsan  gudaha saldhiga, iyada oo ay rasaas xoogan is qabsatay guud ahaan taliskii ay ku sugnaayeen iyo nawaaxigiisa.

Qaybaha dambe ee filimka ayaa lagusoo bandhigay hubkii iyo gaadiidkii ay jihaadiyiintu dagaalkaas ku furteen, waxaana kamid ahaa gawaari gaashaaman, tiro hoobiyeyaal ah, diyaarado daroonis ah iyo noocyo kala duwan oo hubka fudfudud ah.

Dagaaladan culus ayaa dhacay, iyadoo dhawaanahan uu dalka Burkiina-Faaso martigaliyay hawgallo jihaadiya oo aad u cusul, kuwaas oo lagu dilay boqolaal askari laguna furtay hub aad u badan oo ay horay ciidamada dalkaas ugusoo qalabeeyeen dawladaha reer galbeedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.