Sunday, May 11, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 10 Ruux oo Ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay...

Ku Dhawaad 10 Ruux oo Ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Ilo wareedyo ku sugan marinka go’doonsan ee Qazza ayaa ku waramay, in tiro dad ah ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo ay diyaaraha dagaalka ee Yahuudda subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ka fuliyeen magaalooyinka Qazza iyo Rafax, iyagoo  tibaaxay, in qaar kamida duqeymahaas ay ku shahiideen qoys dhan oo Falastiini ah.

Dhanka magaalada Qazza, diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa duqeymo la eegtay teendho ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla xaafadda Assabra ee magaaladaasi, halkaas oo ay ku shahiideen shan qof oo dhamaantood isku qoys ahaa, kuwaas oo kala ahaa aabihii qoyskaas oo lagu magacaabi jiray Saqr Axmed Fu’aad, xaaskiisa oo iyadana la oran jiray Hinda, iyo wiilashooda oo lagu kala magacaabi jiray, Axmed, Xamza iyo Cabdul Caziz, sida ay sheegeen ilo maxalli ah oo ku sugan halkaas.

Sidoo kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ayaa duqeymo la eegtay dad ku sugnaa xaafadda Attuffaax ee magaalada Qazza, halkaas oo uu ku shahiiday hal qof oo rayid ahaa.

Iyadoo intaasi lagu darayo, maraakiibta dagaalka ee Yahuudda oo rasaas xooggan ku furay xeebta magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qazza, halkaas oo sidoo kale uu ku shahiiday hal qof oo shacab ah. Halka Labo qof oo iyagana rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidamada Yahuuddu ku garaaceen deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaaladaasi.

Geesta kale, Ra’iisul wasaaraha Yahuudda mujrimka lagu magacaabo Binyamiin Netanyahu ayaa sheegay, in uu wado dagaal isku badali kara waxa uu ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo lagu baabi’inayo tiro badan oo Falastiiniyiin ah.

Dhiig yacabkaan oo la hadlayay koox ka mid ah saraakiisha ciidamada kaydka ah ee Yahuudda ayaa qirtay, in burburinta Qazza aysan jawaab u ahayn ka hortagga waxa uu ugu yeeray argagixisada oo uu ula jeedo muqaawamada Falastiin, balse ay qayb ka tahay qorshe ula kac ah oo la doonayo in lagu barakiciyo dadka ku nool Marinka Qazza.

Arrintan ayaa timid, kadib markii saraakiishaas ay dhaleeceeyeen siyaasadda maamulkiisa fadhiidka ah, iyagoo sheegay inuu Netanyaahu ku jiro dagaal aan lahayn haba yaraatee wax hadaf istiraatijiyadeed ah, kaas oo aay ku tilmaameen, mid u adeegayo xisbigiisa iyo danahiisa gaarka ah.

Ra’iisul wasaaraha kayyaanka Yahuudda ayaa aad uga carooday hadalladaani kasoo yeeray saraakiishaas, isaga oo caro darteed feer ku dhuftay miiska kadibna yiri, “Gabi ahaanba waanu baabi’inaynaa reer Qazza, mana aha in ay helaan meel ammaan ah oo ay ku noolaadaan waa in ay ka baxaan marinka Qazza,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mujrimkaan dhiig yacabka ah sida uu sheegay wargeyska Cibraaniga ah ee Haartis.

Si kastaba ha ahaatee, Qorshahaan uu sheegay Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu ayaa laga yaabaa in lagu badalay qorshihii Taraam ee ahaa in reer Qazza loo barakiciyo waddamada carabta, kaas oo dhabar adayg iyo sugnaanta ehelkeenna reer Qazza ku fashilmay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.