Maalin kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ay duqeymo culus ka fuliyeen magaalooyin dhaca dalka Yemen, waxa diyaarad sida wasiirka arimaha dibadda ee Yahuudda iyo wafdi ballaaran ka degtay, magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Ujeedka wafdiga waxaa lagu sheegay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Yahuudda iyo Itoobiya, inkastoo qodobka dhaqaalaha uu ahaa waxa ugu badan ee ay labada dhinac ka wada hadleen, hadana waxaa la helayaa xogo tilmaamaya in dhinacyadu ay isla soo qaadeen malaaf amni ah, oo ay kamid tahay in Itoobiya ka qeyb qaadato waxa loogu yeero dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.
Khubarada ka faallooda arimaha gobolka ayaa su’aalo iska weydiinaya suurtogalnimada, in Itoobiya ay ku biirto howlgalka milliteri ee duqeymaha ah, ee ay diyaaradaha Yahuuddu ka wadaan dalka Yemen.
Bishii tagtay ee Marso ayaa wasiirada arimaha dibadda ee Yahuudda iyo Itoobiya waxay yeesheen kulan lagu tilmaamay inuu ahaa mid muhiim ah, waxaana Gadcoon Saacir oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Yahuuddu sheegay, in Yahuudda iyo Itoobiyaba ay wajahayaan halisyo amnio o uga imaanaya kooxo argagaxiso ah oo kala ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kooxda Xuuthiyiinta, sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Itoobiya booqashadii ugu dambeysay ee wasiirka arimaha dibadda Yahuudda ku yimid Adis Ababa, wuxuu markale ku celiyay halista amni ee uga imaaneysa Xuuthiyiinta, isagoo sheegay iney lama huraan tahay in Itoobiya iyo Yahuudda ay noqdaan ul iyo diirkeeda, si wadajir ahna uga tagaan halisyada uu sheegay iney la kulmayaan.
Marka loo eego xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Yahuudda waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid aad u qotodheer, tusaale ahaan sanadkii 2020-ka hay’adda Sirdoonka ee Itoobiya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay wasaaradda amniga ee Yahuudda, kaasoo dhigayay in labada dhinac ay iska kaashadaan ka hortagga waxa loogu yeero argagaxisada geeska Afrika.
Warbixinno la helay sanadkii xigay waqtiga la saxiixay heshiiskaas ayaa tilmaamay, in Yahuudda iyo Itoobiya ay iska kaashadeen howlgal lagu soo qabtay inkabadan toban ruux oo ka dhacay magaalada Adis Ababa, kuwaasoo la sheegay iney qorsheynayeen weerar ka dhan ah safaaradaha Imaaraatka ee dalalka Suudaan iyo Itoobiya.
Dadka falanqeeya xaaladda mandiqada Geeska Afrika ayaa tilmaamaya in isku dayga Yahuudda ee la xiriira isku xirka halisyada amni ee Xarakada Al-Shabaab iyo Xuuthiyiinta uu muujinayo, rabitaanka Talla’biib ee la xiriira in xukuumadda Adis Ababa ay ka qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuuthiyiinta.
Dhanka Itoobiya waxay warbixinnadu tilmaamayaan inaaney xilligan u xamaasad qabin iney kaalin ka qaadato dagaalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta, waxayna Itoobiya kamid tahay dalalka ay saameynta ku yeelatay xiisadda ka taagan Badda Cas.
Shirkad ay leedahay dowladda Itoobiya oo ka shaqeysa daabulidda adeegyada mara badaha ayaa tilmaamtay, in howsha la xiririta dhoofinta iyo lasoo degidda marka laga hadlayo gudaha Itoobiya ay saameyn ku yeelatay xiisadda ka taagan Badda Cas.
Warbixin uu qoray wargeyska Afrika Intilegence [ Afrika Inta-lajansi] bishii Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay, in kaabayaasha dhaqaale ee Itoobiya ay saameyn adag ku yeelatay xiisadda Badda Cas, ayna dib u dhaceen mashaariic dhismo iyo kuwa kale oo laga fulinayay Itoobiya, sababo la xiriira iyadoo ay soo daahayaan adeegyada soo mara badda.
Inkastoo waqti xaadirkan aanu jirin bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Itoobiya iyo Mamaulka Yahuudda oo la xiriira iskaashi la xiriira dagaalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta, hadana waxaa muuqaneysa in hormuud siyaasadeed oo gudaha Itoobiya ah ay xooga saarayaan sidii Adis Ababa ay ugu milmi lahayd mashruuca Yahuudda ee la xiriira duqeymaha Yemen.
Xubin sare oo katirsan machadka siyaasadda arimaha dibadda ee hoostaga wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya oo uu soo xiganayo machad lagu magacaabo Al-Waadi, ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan Badda Cas ay saameyn ku yeelatay Itoobiya, sidaasi darteedna Itoobiya ay uga furantahay fursad istiraatiijiyadeed oo ay ku muujin karto iney tahay mid aan looga maarmin, waxa uu ku tilmaamay dagaal ka dhan ah argagaxisada.