Sunday, May 11, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Xubin Katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ku Dilay Degmada Afgooye.

Al-Shabaab oo Xubin Katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ku Dilay Degmada Afgooye.

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa howgal qorsheysan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen, mid kamid ah degmooyinka gobalka Sh-hoose.

Howlgalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, waxaana lala beegsaday xubin katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxa ay rasaas ku shannaqeen Maxamed Shariif Gacal oo ahaa askari katirsan sirdoonka Dowladda Fedaraalka, gaar ahaan qeybta loo yaqaanno Dharcadda.

Askariga ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana goor dambe meydkiisa qaaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo dilka ka kadib yimid halka lagu dilay Maxamed Shariif Gacal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.