Monday, May 12, 2025
HomeWarka GudahaMalleeshiyaad Taabacsan Dowladda Fedaraalka oo Dad Shacab ah Ku Dilay Degaan Hoostaga...

Malleeshiyaad Taabacsan Dowladda Fedaraalka oo Dad Shacab ah Ku Dilay Degaan Hoostaga Degmada Cadale.

Aroornimadii hore ee maanta malleeshiyaad hubeysan oo taabacsan Dowladda Fedaraalka, ayaa waxa ay dad rayid ah ku dileen deegaan hoostaga degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe.

Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Koogaar ee hoostaga degmada Cadale, waxa ayna malleeshiyaadku halkaasi ku dileen 2 kamid ah dadka deegaanka.

Labada ruux ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Fanax Macallin Xabeeb, iyo Muxuyadiin Caraale, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday malleeshiyaadkii falka geystay.

Mid kamid ah ragaan la dilay ayaa waxa uu ka shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taalla deegaanka, halka kan kalana uu ka shaqeynayay ceel-biyood ku yaalla halkaas.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dilka ay geysteen malleeshiyaadkaan, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan isla duleedka degmada Cadale lagu dilay, darawal ka xeynayay gaari Noha ah oo ku safrayay duleedka degmada.

Halkan Ka Degso Faahfaahinta.

Kuwani waa sawirada labada ruux ee ay dileen malleeshiyada taabacsan Dowladda Fedaraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.