Tuesday, May 13, 2025
HomeAll NewsCiraaq oo Mamnuucday Mudaharaadyo ka Dhan ah Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Ciraaq oo Mamnuucday Mudaharaadyo ka Dhan ah Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa inuu isbuucan nagusoo aadan uu martigaliyo shir ay iskugu yimaadaan wadamada ku midoobay jaamacada carabta, kaas oo la sheegay inuu yahay kii 34 oo noociisa oo kale ah oo ay horay iskugu yimaadeen madaxda dalalka xubinta ka ah ururkan, iyada oo ay dawladda Ciraaq soo rogtay awaamir cusub oo looga hortagayo inay dalkaas ka dhacaan dibad baxyo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqday, in isbuuca soo socda uu dalkeeda ka qabsoomi doono shir ay iskugu imaanayaa wadamada ku midaysan Jaamacada Carabta, isaga oo sidoo kale shaaciyay awaamir la xiriirta mamnuucid dibad-baxyo ka dhaca dalkaas inta u dhaxaysa 11-ka bishan May illaa 20-ka bisha, taas oo ah caburin ka dhan ah shacabka muslimka ah ee dalkaas.

Dadka muslimiinta ah ee caalamka ayaa ka gadoodsan wax kaqabad la’aanta gabood falada ka socda marinka Qazza, iyada oo madaxda qaybta ka ah jaamacada carabta aysan wax fal ah ka bixin xasuuqa ka socda Falastiin, arrintaas ayaana ka caraysiisay shucuubta musliinta ee ku dhaqan caalamka.

Bayaan kasoo baxay wasaarada ayaa lagu yiri “Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq waxay xaqiijinaysaa in wax mudaaharaad ah aan la qabanqaabin doonin, sabab kasta oo timaada, mana jiri doonto ogolaansho lagu muujin karo shucuurta dadka” wasaarada ayaa intaas ku dartay in Isku day kasta oo mudaharaad uu noqon doono mid sharci darro ah.

Baqdaad ayaa martigelin doonta shir madaxeedka 34-aad ee Jaamacadda Carabta 17-ka May, kaas oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha sarsare ee 22-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka. Shir madaxeedkan ayaa la sheegay in looga hadli doono arrimo la xiriira gobolka oo ay ka mid yihiin caqabadaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Wadamada qaybta ka ah ururkan ayaa sanad walba iskugu yimaada shirar balaaran, kuwaas oo sheega inay wax kaga qaban doonaan xaaladaha ka jira gobolka, hase ahaatee shirar kooda ayaa qayb ka ah hagardaamada lagu hayo dalalka muslimiinta, kuwaas oo shucuubta musliinta kusoo roga awaamir ka dhan ah jiritaankooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.