Tan iyo wixii ka dambeeyay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isa soo taraya saameynta kala duwan ee ay yeesheen roobabkaas.
Isgosyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa lasoo warinayaa in gabi ahaanba ay biyuhu jareen, islamarkaana uu hakad galay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.
Ganacsatada, darawallada ka xeeya gaadiidka iyo qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan degmada Yaaqshiid ayaa cabasho ka muujiyay arrintaan, iyagoona sheegay in Dowladda Fedaraalka ay ka qaado lacago joogta ah kuwaas oo aan waxba loogu qaban bulshada.