Monday, May 12, 2025
HomeAll NewsDhulgariir Xooggan oo Saaka ku Dhuftay Qaybo Kamida Dalka Shiinaha.

Dhulgariir Xooggan oo Saaka ku Dhuftay Qaybo Kamida Dalka Shiinaha.

Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 daraja ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku dhuftay koonfur-galbeed ee dalka Shiinaha. Sida ay sheegtay xarunta shabakadaha dhulgariirrada ee Shiinaha.

Dhul-gariirkaan ayaa si gaar ugu dhuftay gobalka Laazi ee ka tirsan ismaamulka Ziizaanji ee dalka Shiinaha. Xarunta qaabilsan dhulgariirrada ee dalkaas ayaana sheegtay, in xudunta dhul gariirka ay tahay meel qoto dheer oo 10 kilomitir ah.

Maamulka deegaanka ee gobolka Laazi ayaa warbaahinta u sheegay, in dhulgariirkan si xooggan loo dareemay, taasoo cabsi iyo argagax ku abuurtay dadka deegaanka, iyagoona sheegay, inay Kooxaha dab damiska iyo samatabbixinta ay u direen xudunta dhulgariirka, si ay ula tacaalaan musiibooyinka ka dhalan karo halkaas.

Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkan maanta ku dhuftay dalka Shiinaha haday ahaan lahayd khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed, balse dalkaas ayaa dhawaanahan marti galiyay dhul-gariirro geystay khasaare kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.