Tuesday, May 13, 2025
HomeAll NewsAl-Jeeriya oo Dalkeeda ka Ceyrisay 2 Ruux oo Lagu Eedeeyay la Shaqeynta...

Al-Jeeriya oo Dalkeeda ka Ceyrisay 2 Ruux oo Lagu Eedeeyay la Shaqeynta Sirdoonka Faransiiska.

Wararka nagasoo gaaraya dhanka Al-jeeriya ayaa sheegaya, in shalay Axadii uu dalkaasi shaaciyay in uu eryay laba xubnood oo lagosoo oogay in ay ka tirsan yihiin agaasinka guud ee amniga gudaha ee Faransiiska, kuwaas oo xiriir dhow lalaahaa sirdoonka dalkaas, kuna sugnaa mudooyinkii u damabaysay gudaha dalka Al-Jeeriya.

Faysal Madaawii, oo ah la taliyaha madaxtooyada Al-jeeriya, ayaa war uu siiyay kanaalka caalamiga ah ee Al-jeeriya-24 waxa uu ku sheegay,  in wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Baruunuu Ruutaayo uu abaabulay arrin shirqool  ah, isaga oo dalka Al-Jeeriya usoo diray laba shakhsi oo sita baasabooro been abuur ah oo hoos imanaya magaca baasaboorka diblomaasiga ah, inkasta  oo ay labadan nin si toos ah ugu xirnaayeen laamaha amniga Faransiiska.

“Al-jeeriya waxa ay Faransiiska ku eedaynaysaa inaysan wax tixgalin ah siinayn habraacyada diblumaasiyadeed ee lagu heshiiyay, waxaana si degdeg ah ugu dhawaaqnay, in labo shaqsi  ay laamaha amaanku gacanta kusoo dhigeen dalkana laga eryay” ayuu ku yiri Faysal waraysigii uu siiyay warbaahinta dalkaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Tani waa dhaq-dhaqaaq cusub oo uu ka dambeeyo wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, kaas oo dabada ka riixaya olole ka dhan ah dalkeena muddo dhowr bilood ah, isagoo adeegsanaya wax walba oo uu awoodo”.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa isna dhankiisa waraysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa ku xaqiijiyay, in xiriirka ka dhexeeya labada dal uu wali yahay mid aad u daciif ah, taas oo uu ku sheegay inay sabab u tahay falkii ay Al-Jeeriya dalkeeda ugasoo erisay 12 shaqaale oo Faransiis ahaa bartamihii bishii Abriil ee ina dhaaftay.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyada oo xiriirka Al-jeeriya iyo Faransiisku uu aad u xumaaday dhowrkii  bilood ee lasoo dhaafay. Al-jeeriya ayaana dalkeeda ka ceyrisay 12 diblomaasi oo kasoo jeeda dalka Faransiiska bishii Abriil ee ina dhaaftay, xukuumada Baaris ayaana sidoo kale ku jawaabtay falcelin taas lamid ah oo dalkeeda ka cayrisay shaqsiyaad u dhashay dalka  Al-Jeeriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.