Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa qiray iney dhibaato ba’an ku hayaan bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho xilliyada ay madaxku marayaan wadooyinka caasimadda.
Xamse Cabdi Barre oo ah Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, iney dhibaatooyin adag ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu ay ugu horreyso iney ka xirtaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Waxa uu sheegay in tani ay ka dhaxleen habaarka dadka Muslimiinta ah ee ay dhibayaan, isagoona intaa ku daray in askartu ay diideen furidda wadooyinka.