Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu maanta booqasho ku tagay dhulka Xarameynka ee uu ka arrimiyo maamulka Aala-Sucuud, waxaana wafdiga Trump ay kulamo la yeesheen madaxda maamulka Aala-Sucuud.
Tarump ayaa waxa uu si gaar ah ula kulmay Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha maamulka Aala-Sucuud, waxaana maamulkaan uu Donald Trump ugu deeqday lacag ku dhaw 1 Trillion oo Doollar. Wariye Salmaan Axmed ayaa falanqeyntaan ku eegaya booqashada Trump ee dhulka Xarameynka.