Waxaa shalay wadanka Itoobiya ka dhacay banaabax ay dhaqaatiirta ka hawlgala inta badan isbitaallada ku yaalla wadankaasi kaga cabanayaan mushaar la’aan, iyagoo dhan kale ku dhawaaqay shaqo joogin.
Sawirro lagu faafiyay bartaha bulshada islamarkaana adeegsaneyso warbaahinta ayaa muujinaya, qaar kamid ah isbitaallada waa wayn oo albaabada la isugu dhuftay.
Xukuumadda Adisb Ababa ayaa kacdoonka ay sameeyeen dhaqaatiriirtan ee saameeyay wadankaasi kaga jawaabtay iney xirxirto qaar kamid ah dadkii hor kacayay dibadbaxayaasha.