
Waxaa wali kacsan xaaladda magaalada Tiriboli ee caasimadda Liibiya, halkaas oo ay maalmahaan ku dagaalamayeen dhinacyo isku haayo talada dalkaas.
Dad goob joogayaal ah ayaana sheegay, in dhawaqa rasaasta ay si aan kala go’ lahayn ay wali uga socoto magaalada Tiriboli. Halka xaafado badan oo ka tirsan caasimadda lasoo dhoobay ciidamo farabadan oo iska soo hotjeeda, iyadoo ay macquul tahay in dagaallo aad u culus ay ka dhacaan halkaas.
Booliiska dalka Liibiya ayaa sheegay, in tiro maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla caasimadda, kadib iska hor-imaadyo ka dhacay magaalada Tiriboli, iyagoo intaasi ku daray, in dab uu ka kacay mid ka mid ah xarumaha hay’adda la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah ee ku taalla caasimadda Liibiya, kaas oo uu sababay dagaallada ka socda magaaladaas.
Magaalada Tiriboli ee caasimadda dalka Liibiya ayaa waxaa maalmahaani ku dagaalamayay awoodo ku loolamaya talada dalkaas.