Tuesday, July 1, 2025
HomeAll NewsKooxda Xuutiyiinta oo Magaalada Tallaa-biib La Beegsatay Gantaal Balaastig ah.

Kooxda Xuutiyiinta oo Magaalada Tallaa-biib La Beegsatay Gantaal Balaastig ah.

Weerar loo adeegsaday gantaal balaastig ah ayay kooxda Xuutiyiintu la beegsadeen magaalada Talla-biib ee ka tirsan dhulka uu xoogga ku haysto maamulka Yahuudda, weerarkan ayaa si gaara u beegsaday garoonka diyaaradaha ee Bingooriyaan, taas oo si weyn u saameysay isu socodkii duullimaadyada caalamiga ah ee garoonkaas, inkastoo ay ciidamada Sahaayinadu sheegeen inay kahor tageen gantaalkaas.

Warbaahinta Yahuudda ayaana xaqiijisay, in gantaalka ay Xuutiyiintu soo rideen uu aad ugu dhowaaday inuu gaaro bartilmaedkiisa, ka hor inta aan la burburin. Qaybo kamid ah gantaalka ayaana ku dhacay degaanno ka tirsan dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin.

Afhayeenka kooxda  Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa war uu siiyay warbaahinta ku sheegay, in ciidamadiisu ay fuliyeen weerar loo adeegsaday  gantaal balaastig ah, kaas oo si toos ah u beegsaday  garoonka diyaaradaha ee Bingooriyaan. Wuxuuna ku gooddiyay in ay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah Yahuudda, isaga oo uga digay shirkadaha duulimaadyada in ay tagaan magaalada Tallaa-biib.

Xuutiyiinta ayaa dhawaan heshiis la gashay Maraykanka, kaas oo aysan Yahuuddu qayb ka ahay, waxaana wali halkooda kasii socda duqaymaha culus ee ay Yahuuddu ku garaacayso dhulka ay Xuutiyiintu ka maamulaan Yaman, kuwaas oo dhulka la simay garoomo diyaaradeed iyo dakado ay ku xiran yahay inta badan dhaqaalaha dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.