Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa eedeymo u jeediyay Dowladda Fedaraalka. isagoona tilmaamay iney tahay Dowlad ku howlan boobka umadda Soomaaliyeed.
Saciid Cabdullaahi Dani oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland, ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, isgoo ku sifeeyay in uu yahay mid boobaya hantida dadka rayidka ah ee Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu Dani sheegey in xisbiga cusub ee ay ku dhawaaqeyn Xasn sheikh iyo xulafadiisa, in uu yahay mid lagu carqaladeynayo maamul gobaleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.