Friday, May 16, 2025
HomeAll NewsWasiir Hore Buuni oo Wax Fudud ka Dhigay in la Ihaaneysto Kalimadda...

Wasiir Hore Buuni oo Wax Fudud ka Dhigay in la Ihaaneysto Kalimadda Towxiidka.

Wasiir hore oo katirsan maamulka la baxay Soomaaliland, ayaa wax fudud ka dhigay in la ihaaneysto kalimadda tawxiidka, isagoo sheegay iney gef tahay in calanka maamulkaasi tawxiidka ku qoran laga reebo maamlinta 18 ”May” oo si gaar ah loogu tacadiyo.

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo horay usoo noqday wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee maamulkii Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax fudud ka dhigay in lagu xadgudbo oo la ihaaneysto kalimadda tawxiidka, isago oo shirkadaha calamada sameeya ee ka reebaya tawxiidka uhanjabay kuna baaqay in gacmaha loola tago oo la weeraro.

Wuxuu dhanka kale kasoo hor jeestay in kalimadda tawxiidka laga daayo meel ka dhaca ay kula kacayaan dadka wata calanka maamulkaaasi si gaar ah maalinta ”18 May” oo ah maalintii uu gooni ugoosadka ku dhawaaqay maamulkaas, islamarkaana ay qabsadaan munaasabad iyaga ugaar ah.

Halkaan ka Degso Warka Wasiirka Hore

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.