Waxaa magaalada Triboli ee caasimadda dalka Liibiya ka socda mudaharaadyo waaweyn oo dadka shacabka ah ay ku dalbanayaan in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran, Cabdul Xamiid Dabiibah uu iscasilo. Mudaharaadayaasha ayaa mas’uulkan ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo dagaallo soo noqnoqday oo dalka ka dhacay, kuwaas oo sababay khasaare baaxad leh. In kasta oo ciidamo badan oo dowladda taageersan ay sugayaan amniga xarumaha dawladda hadana dibad-baxayaasha ayaa ku guulaystay in ay gaaraan afaafka hore ee xarunta ra’iisul wasaaraha.
Magaalada Triboli ayaa maalmahan dambe marti galinaysay dagaallo culus oo u dhaxeeya guutada 444-aad oo ay taageerayaan ciidamada Masraat iyo xoogaga Jihaasu Radci oo ay taageeraan ciidamo ku sugan galbeedka Liibiya. Xiisaddan dagaal ayaa ka dhalatay go’aamo adag oo uu Ra’iisul Wasaaraha dalkaas uu ku sameeyay dib u habeyn amni, iyadoo la doonayo in la baabi’iyo hay’adda taageerada xasiloonida iyo madaxdeeda ee uu hogaaminayay nin lagu magacaabo Kilkil oo lagu dilay dagaaladan, isla markaana xilal looga qaaday saraakiil dhowr ah.
Cabdul Xamiid ayaa sidoo kale u hanjabay qaar kamida hay’adaha amniga, isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan sifo sharci ah ku shaqaynin, taas oo sii xoojisay xiisadaha iyo dagaallada ka socda magaalada caasimada u ah dalka Liibiya ee Tiriboli.
Dhanka kale, warar kasoo baxaya dalkaas ayaa sheegaya in kooxahan ay gaareen heshiis xabad-joojin ah, taas oo lagu dajinayo xiisada sii kordhaysa ee ka taagan caasimada, in kastoo waddooyinka magaalada ay weli ku sugan yihiin ciidamo aad u hubaysan oo ka kala tirsan labada dhinac, taas oo sababi karta in rabshadu ay mar kale bilaabato.
Dagaalada kasoo cusboonaaday dalkan ayaa salka ku haya is qabqabsi siyaasadeed oo u dhaxeeya dhinacyada ku loolamaya talada dalkaas, Liibiya ayaana in kabadan 10-kii sano ee lasoo dhaafay wajahaysay qalalaase siyaasadeed oo u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha dalkaas Cabdul Xamiid oo helaya taageerada kooxo ka dagaalama dalkaas iyo Khaliifa Xaftar oo isna taageero ka helaya kooxo kale.