Dowladda Mareykanka ayaa mar kale digniin udirtay muwaadiniinteeda ku sugan Xerada Xalane iyo kuwa kale ee usoo safraya Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington, ayaa mar kale muwaadiniinteeda uga digtay iney usoo safraan Soomaaliya oo ay sheegtay iney kasoo korortay xaaladda amni oo halis ah.
Digniintan oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda islamarkaana gaar u ah Soomaaliya, ayaa kusoo baxday heerka ugu sarreeya oo ah darajada afaraad, waxyana sido kale digniintan ku socotaa muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ku sugan xerada Xalane.