Saturday, May 17, 2025
HomeAll NewsGudiga Gaadiidleyda Muqdisho oo Cabasho ah Baad ay ku Heyso Dowladda Fedaraalka.

Gudiga Gaadiidleyda Muqdisho oo Cabasho ah Baad ay ku Heyso Dowladda Fedaraalka.

Gudiga gaadiidleyda ee magaalada Muqdisho aayaa waxa ay sheegeen, in Dowladda Fedaraalka ay ku heyso dhac iyo boob baahsan.

Gaadiidleyda badeecadaha kala duwan kasoo qaada dekadda magaalada Muqdisho ee geeya qeybaha kala duwan ee goballada dalka ayaa waxa ay sheegeen in saraakiil katirsan maamulka gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka ay dhac iyo boob ku hayaan gaadiidleyda.

Waxa ay sheegeen in ay shaqojoojin sameynayaan, sababo ku aaddan lacago xaddhaaf ah oo ay gaadiidleydu dhac ku tilmaameen, kuwaas oo ay ka qaadaan xubno katirsan Dowladda Fedaraalka.

Waxa ay intaasi ku dareen in lacag gaareysa 300 oo doollar ay xubnahaan ka qaadaan gaadiidleyda, taas oo ah lacag baad ah, iyadoo ay usii dheer tahay canshuuraha ay ka qaado Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Gudiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.