Maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-Galbeed ayaa sanado badan oo Xabsi ah ku xukumaday mas’uul hore oo katirsanaa maamulkaasi.
Maxkamadda maamulka Mustafe Cagjar ayaa 5 sano oo xarig ah ku xukuntay wasiir ku xigeenkii hore ee ciyaaraha ee mamaulkaasi Ibraahim Abdiqadi.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay qoraal uu horay ugu qoray aaladda Facbook-gga, taasoo uu dhibsaday maamulka halkaasi ka jira, shalay ayaana lagu riday xukunkaasi oo ka dhacay magaalada Jigjiga.