Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsWeerar iyo Qarax Askar Lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Baraawe iyo...

Weerar iyo Qarax Askar Lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Baraawe iyo Duleedka Moqokori.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weeraro isugu jira qarax iyo mid toos ah ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Hiiraan iyo Sh-hoose.

Haddaan ku horreyno gobalka Sh-hoose, waxay maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab magaalada Baraawe qarax kula beegsadeen, gaari ay la socdeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Qaraxa ayaa waxaa gaariga lagula beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay 4 kale oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Muxayadiin Maad-gaab, iyadoo uu burburay gaarigii la qarxiyay.

Geesta kale dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku dhexmaray, duleedka deegaan katirsan gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Moqokori, waxaana lagu dilay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo meydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.