Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsBloomberg: Qiimaha Hubka Shiinaha oo Sare Ukacay Kadib Dagaalkii Pakistan & Hindiya.[WARBIXIN.

Bloomberg: Qiimaha Hubka Shiinaha oo Sare Ukacay Kadib Dagaalkii Pakistan & Hindiya.[WARBIXIN.

Wakaaladda wararka ee Ameerikaanka ah e Buluumbeer   ayaa shaaca ka qaaday, in hubka Shiinaha uu  kor u kacay qiimihiisa suuqyada caalamka, kadib markii uu hubkaani guul kasoo hooyay dagaalkii gaabnaa ee dhawaan dhex maray Bakistaan iyo Hindiya.

Warbixin ay wakaaladdaani ku daabacay mawqiceeda Interneetka ayay ku sheegtay, in colaadda u dhaxaysa labada dal ee jaarka ah ee ku wada yaalla Koonfurta Aasiya ay tahay mid soo dedejinaysa in dib loo qiimeeyo hubka Shiinaha, taasoo caqabad ku noqonaysa fikradaha hadda jira ee ah, in awoodooda hubka Shiinaha ay ka hoosayso kan reer galbeedka, taas oo keeni karta in ay walaac ku abuurto dalal horay uga walaacsanaa Shiinaha.

Guusha ay ka gaartay diyaaradda dagaalka ee nooceedu yahay J-10C ee uu sameeyay Shiinaha inay soo riddo diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee Raafaal, oo ay wateen militariga Hindiya, ayaa walaac ku abuurtay Taywaan, oo ah jamhuuriyad uu Shiinuhu u arko qayb muhiim ah oo ka mid ah dalkiisa.

Guushan waxa ay kordhin kartaa hubka Shiinaha uu u dhoofiyo dalalka awood ahaan hooseeyo, sida laga soo xigtay wakaaladda Buluumbeer  , taas oo daaha ka qaaday, in qiimaha diyaaraddaas aan duuliyaha lahayn ee Shiinaha uu sare ugu kacay suuqyada caalamka, in ka badan afar meelood meel marka la barbar dhigo qiimihii lagu kala iibsanayay dhammaadka toddobaadkii hore.

Huu Shiijiin, oo ah tafatirihii hore ee wargeyska Golobal Taymis ee Shiinaha ka soo baxa, ayaa baraha bulshada kusoo qoray hadal ahaa, “waa laazim inay Taywaan dareento welwel, haddii weerarrada Bakistaan ee ka dhanka ah Hindiya lagu guuleysto”. Hadalkan oo ahaa mid ay soo xigatay Wakaalladda Buluumbeer   ee qalinka u qaadatay warbixintaan.

Dhiniciisa, Shuu Hisyaw, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Cilmi-baarista difaaca iyo amniga ee Taaybeeh, ayaa ku nuuxnuuxsaday, in Taywaan ay si dhow ula socotay isku dhaca Bakistaan iyo Hindiya, iyo in xaaladdu ay u baahan tahay dib-u-qiimeynta awoodda dagaalka hawada ee militariga Shiinaha, taas oo la mid ah – ama xitaa ka badan – heerarka awoodda hawada ee Maraykanka ee la geeyay Bariga Aasiya.

Wakaaladda Buluumbeer   ayaa tibaaxday, in militariga Shiinaha oo ah kan ugu tirada badan caalamka ay  horay u dul hoganayeen fadeexooyin iyo arimo lagu shaki galinayay awooddisa, xilli madaxweyne Shii Jiin uu doonayay inuu casriyeeyo ciidamadiisa.

Arintaas oo keentay, in la iswaydiiyo su’aalo ku saabsan heerka uu la egyahay diyaargarowga uu ciidankaasi ugu jiro dagaal uu ku qaadoo jaziiradda Taywaan, isagoo adeegsanayo awooddiisa gantaalaha iyo kuwa qarsoodiga ah, kuwaas oo dawr muhiim ah ka qaadan kara duullaan kasta oo ka dhan ah Taywaan.

Halkaan ka Degso Warbixinta Hubka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.