Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedda Dowladdaa Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh, ayaa sheegay in waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay ka niyad jabeen Dowladda Fedaraalka, kuna dhawyihiin iney dhaqaalaha ka jartaan.
Ciidamada Shisheeye ee magacooda loosoo gaabiyo AUSSOM ayuu sheegay inaan illaa iyo hadda dhaqaale loo helin, muddo bilooyin ahna ay mushaar la’aan yihiin.
Wuxuu intaasi ku daray in Xasan Sheekh uu raadinayo ciidamo calooshood ushaqeystayaal ah, isagoo xusay iney waxba tariwaayeen ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Dhanka kale, Maxadweynaha Dowladda Fedaraalka ayuu tilmaamay inuu ku fashilmay hogaaminta, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay dhinaca kale awood cusub lasoo baxday.