Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta markale ka dhaceen gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaallada oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraaka ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 50 askari.
Inta la xaqiijiyay 22 askari oo uu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Salaad (Cabdi Goomeey) kaas oo ay ku raadjoogeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaallada, halka lagu dhaawacay 33 kale.
Dagaalladaan ayaa kusoo aadayadaan iyadoo dagaallo shalay ka dhacay isla duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan lagu dilay 66 askari laguna dhaawacay 105 kale.