Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Ku Dhawaad 100 Ruux ku Dishay Duqeymo ka Dhacay...

Yahuudda oo Ku Dhawaad 100 Ruux ku Dishay Duqeymo ka Dhacay Marinka Qazza.

Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa xasuuq ba’an u geystay dad barakacayaal ah oo ku nool deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis, duqeymahaas oo sababay inuu dab xooggan ka kaco teedhooyinka barakacayaasha, ayna ku dhex gubtaan dad aad u farabadan oo ku jiray.

Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa warbaahinta u sheegay, in 40 qof oo u badnaa haween iyo carruur ay ku gubteen gudaha teendhooyinkoodii sababo la xariira dabka ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Yahuudda.

Dadka barakacayaasha ah ayaa isku dayay in ay damiyaan dabkaas, iyagoo isticmaalayay wax kasta oo ay heli kareen oo ay ka mid tahay carrada, iyadoo aysan jirin gaadiid dab-damis ah iyo biyo.

Muqaawamada Falastiin ayaa falkan uu maanta gumaystaha Yahuuddu ku gubay teendhooyinka barakacayaasha iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhexjiray ku tilmaamtay, jariimo wuxuushnimo ah  oo cusub, iyagoo mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay si toos ah dhabarka ugu saariyay dowladda Mareykanka ee gacanta ku hayso Kayyaanka fadhiidka ah ee Yahuudda.

Dhanka Bartamaha marinka Qazza, ilo wareedyo ayaa kusoo waramay, shahiidka sagaal qof iyo dhaawaca tiro kale, kadib duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu la beegsadeen guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Azawaayidah ee bartamaha marinka Qazza. iyadoo intaasi lagu darayo, shahiidka Saddex qof oo shacab ah, kuwaas oo ku baxay duqeyn ay Yahuuddu la eegatay guri ku yaalla magaalada Deyrul-Balax ee bartamaha marinka Qazza.

Waqooyiga Marinka Qazza, duqeymo ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla deegaanka Jabaliya-Nazla ayaa waxaa ku shahiiday 10 qof oo rayid ah, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen oo iyaganaa ahaa rayid aan waxba galab sanin.

Wararka ayaa intaasi ku darayo, in halka qof oo rayid ah uu ku shahiiday tiro kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ku qaadeen guri ku dhow isbitaalka Al-Cawdah ee ku yaalla magaalada Talla-Zactar ee waqooyiga marinka Qazza.

Dhanka magaalada Qazza, ilo wareedyo ayaa soo sheegay, shahiidka shan qof oo shacab ah, iyo dhaawaca tiro kale oo carruur u badan, kuwaas oo ku waxyeeloobay duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ka fuliyeen agagaarka Iskuulka Saalaxu-diin oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, kaas oo ku yaalla galbeedka magaalada Qazza. Dadka shuhadada ah iyo kuwa dhaawacmay ayaana loo gudbiyay xarunta caafimaadka ee Al-Shifa ee magaaladda Qazza, iyadoo dhaqaatiirta xaruntaasi ay sheegeen, in dadka qaar ay xaaladoodu liidato.

Xarunta ayaa sidoo kale waxaa la geeyay meydadka ugu yaraan shan qof kadib markii waaberigii hore ee maanta ay ciidamada Yahuuddu madaafiic ku garaaceen guryo ku yaalla xaafadaha Assalaadhiin iyo Al-Karamah ee magaaladaasi.

Isku soo wada duuboo, ilaha caafimaadka ee magaalada Qazza ayaa sheegay, in 97 qof oo shacab ah ay ku shahiideen duqeymaha ay Yahuuddu ka fulisay marinka Qazza tan iyo waaberigii maanta, kuwaas oo 45 ka mid ah ay ku shahiideen magaalada Qazza iyo waqooyiga marinka Qazza.

Allaah ayaana ka baryaynaa inuu ehelkeena sugnaanta badan ee reer Qazza uu ka dulqaado cadawgaan uuna ka siiyo nasri degdeg ah iyo futuuxaad uuna duleeyo gumaystaha Yahuudda iyo cid kasta oo ku garab taagan xasuuqiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.