Monday, May 19, 2025
HomeAll NewsMaxay Dagaallada Ka Socda Galbeedka Suudaan ka Bedeleen Goobaha La isku Hor...

Maxay Dagaallada Ka Socda Galbeedka Suudaan ka Bedeleen Goobaha La isku Hor Fadhiyo?[WARBIXIN]

Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa Taageerada Degdegga ah ayaa si ba’an uga socda saddexda gobol ee Kordofaan, iyada oo falanqeeyayaasha amniga ay aaminsan yihiin in hoggaanka RSF uu doonayo inuu hor istaago ciidamada dawladda ee u socda dhanka Daarfuur, iyaga oo ka ilaalinaya inay difaacdaan magaalooyinka ku jira xayndaab kooda. Dadka wax indha-indheeya ayaana aaminsan in dagaalada ka socda galbeedka Kordofaan ay wax ka badali karaan isku dheeli tirka awooda iyo khariirada militari ee galbeedka Suudaan.

Kaddib guulo isdaba joog ah oo ay ciidamada dowladdu ka gaareen bartamaha Suudaan, gaar ahaan gobollada Sannaar, Al-Jaziira iyo Khartuum, ayay hada waxay isku dayayaan inay wajahaan jihada galbeed, kuwaas oo u dhaqaaqay dhanka gobalka Daarfuur, iyaga oo sii maraya saddexda gobol ee Kordofaan ee kala ah Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Kordofaan. Ujeedada ciidamadan ayaana ah in la sugo ammaanka caasimadda iyo deegaanada dhaca bartamaha dalka, isla markaana ciidanka RSF laga saaro aaggaga khatarta ah ee ay ku sugan yihiin.

Ciidamada dawladda Suudaan ayaana ku guulaystay in ay isku fidiyaan dhanka koonfureed ee gobolka waqooyiga Kordofaan, iyaga oo dib u qabsaday magaalooyinka Umu-Rawabah iyo Rahd, waxayna soo afjareen go’doomintii saarnayd caasimadda gobolka ee Al-Abyad. Dhanka kale, deegaanada waqooyi ee gobolka oo ay ku jiraan Bara, galbeedka Bara, Xamrah iyo Sawdariya, ayaa wali ku jira gacanta ciidamada Taageerada Degdegga ah.

Ciidamada dawladda Suudaan iyo xooggaga Dacmu Sariic ayaa wali ku loolamaya gacan ku haynta Degaannada Galbeedka Kordofaan ee xuduudka la leh gobolka Daarfuur, iyadoo Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay gacanta ku hayaan deegaannada Fula, Mujlad, Abu Zabad, Zanuud, Qabiish, Wa-wadbandaa, Idiyah, Kaylak iyo Laqaawah.

Dhinaca kale, ciidamada dawladda ee ku sugan galbeedka Kordofaan ayaa iyaguna gacanta ku haya magaalooyin ay ka mid tahay Baabanuusah, halkaasoo ay ku sugan yihiin taliska qeybta 22-aad ee ciidamada lugta, goobaha kale ee ay ciidamadu gacanta ku hayaan waxaa kamid ah Khawiyi iyo Hajliij oo qani ku ah saliida cayriin.

Koonfurta Kordofaan, ciidamada dawladda ayaa gacanta ku haya inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaas, sida Kaduqli oo ah caasimadda gobolka, iyo sidoo kale Dalnaj iyo Abuu-Jabiiha, Cabaasiyah, Taqliyah iyo Kalgi. Maalinimadii Khamiista ciidamada Suudaan ayaa dib u qabsaday magaalada Daxiiliib oo ku taalla bariga Kaaduu, halkaas oo ay kala wareegeen dagaalyahannada magacooda losoo gaabiyo SPLM-N ee uu hoggaamiyo Cabdil-Xalwa.

Taas bedelkeeda, ciidamada jabhdaha SPLM-N ayaa gacanta ku haya qaybta Koonfur-galbeed ee gobolka Koonfurta Kordofan in ka badan soddon sano, oo ay ku jiraan deegaannada Al-Baram, Umu Dawrayn, iyo Heiban, oo ay ku jirto Kawuda oo ah xarunta maamulka, ciidamada ayaana deegaanada ay haystaan ka dhisay maamul rayid ah.

Halkaan ka Degso Warbixinta Suudaan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.