Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay kaawo kusoo duntay dad ka shaqeynayay, taas oo ku taalla Xaafadda Waxar-Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa tilmaamaya in kaawada ay soo duntay xili aysan halkaas kasoconin wax shaqo ah, iyadoona ay goobta ku waxyeelloobeen labo rux oo mid kamid ah dhintay midka kale uu dhawac garaab ah soo garay.
Qaar kamid ah dadka ka shaqeeyo kaawada ayaa waxay shegeen, in wixii kadambeeyay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay degmooyinka Muqdisho ay kaawada billawday iney soo dunto islamarkaana aysan shaqadu u socon si wanaagsan.