Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalladii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan, islamarkaana u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay dagaalladaas, kaas oo ku dhaw 120 askari.
Tirada dhimashada ee dagaalladii shalay ayaa waxa ay gaartay 42 askari, halka dhaawacuna uu marayo 76 kale.
Geesta kale weerar madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho.
Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saakay weerar madaafiic ah ku qaaday, xerada Hiilweyne oo ay degan yihiin askarta Dowladda Fedaraalka, kuna taalla duleedka Muqdisho, waxaana jira khasaare soo gaaray askarta la weeraray.