Xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusii xoogeysanayaan Muqdisho, ayna ku fashilmeen dagaalkii ka dhanka ahaa Mujaahidiinta.
Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in mugdi badan uu dul hoganayo amniga Dowladda Fedaraalka, halisna ay jirto jiritaankeeda.
Waxa uu sheegay in Dowladda Fedaraalka ay khasaare waxaan aheyn kasoo faa’iidin duullaankii ay ku qaaday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dagaallaasna ay ku fashilantay oo looga itaal roonaaday.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in amniga magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay, islamarkaana uusan jirin amni la isku halleyn karo oo ay maanta heysato Dowladda Fedaraalka.