Xamse Cabdi Barre Ra’iisulwasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan habka ay wax uwadaan.
Wuxuu sheegay iney dowlado Shisheeye laaluush siiyaan kana shaqeeyaan danahooda, isagoo dhanka kale aad uga carooday hadallada ay ku weerarayaan xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Dhanka kale wuxuu qiray iney dhaawacyo tiro badan oo boqolaal askari gaaraya ujiifaan isbitaallada, kuwaasoo kusoo dhaawacmay dagaalka udhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dhinac ah iyo Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka oo isku dhan ah.