Xiisad dagaal ayaa ka dhex taagan ciidamada PSF ee uu Mareykanku tababaray iyo maamulka la baxay Puntland.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta uu joogo maamulka la baxay Puntland ka dhacay, dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen ciidamadan kuwaasoo uu aadd uga soo horjeestay maamulka la baxay Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ugu magacaaban maamulkaasi ninka lagu magacaabo Faysal oo ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in hogaanki ciidankan ay ku biireen Dowladda Fedaraalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, Galkacyana uyimaadeen iney ka sameeyaan sidii ay magaalada Boosaaso ka sameeyeen oo kale oo ah iney dagaal ku qaadaan maamulkooda.
Wuxuu ku eedeeyay ciidankan farangelin ay ku hayaan maamulka, isagoo sheegay ineysan aqoonsaneyn kana tirsaneyn mamaulkooda.