Imaaraatka Carabta iyo Masar oo kamid ah dowladaha ku lugta leh duullaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen, qaraxii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday xero askar lagu qorayay oo ku taalla magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedyo kasoo kala baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee labadaan Dowladood ayaa waxa ay si adag ugu cambaareeyeen, qaraxa lala beegsaday xerada Damaanyo oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare culus.
“Dowladda Imaaraatka Carabta waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarka Argagixiso ee beegsaday xero ciidan oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaaas oo sababay dilka tiro dad ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta.
Sidoo kale waxa uu Imaaraatku sheegay inuu si adag uga soo horjeedo weerarada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa qalqal galinaya amniga Dowladda Fefaraaalka kana soo horjeedo waxa uu ugu yeeray qaanuunka dowliga ah.
Imaaraatka Carabta ayaa geesta kale Dowladda Fedaraalka uga tacsiyeey khasaraaha culus ee kasoo gaaray, qaraxii ay shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho.
Si lamid ah Imaaraatka Carabta, Dowladda Masar ayaa waxa ay iyaduna cambaareeysay weerarkaan, waxaana war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar lagu sheegay, in si kulul ay ucambaareynayaan weerarka lagu beegsaday xero Damaanyo, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobannaan askari.
Xukuumadda Al-Qaahira ayaa waxa ay bayaankeeda ku sheegtay iney sii wadi doonto taageeridda Dowladda Fedaraalka, ayna uga tacsiyeyneyso khasaaraha baaxadda leh ee soo gaaray maalinti shalay.
Tani ayaa waxa ay caddeyn u tahay in weerarkii xero Damaanyo uu khasaare xooggan kasoo gaaray Dowladda Fedaraalka, waxaana markii ay qarsan weysay dhibaatada halkaas ku gaartay ay maalintii shalay Dowladda Fedaraalka soo saartay warsaxaafadeed aad u kooban, kaas oo ay ku xaqiijisay in qaraxu uu beegsaday xerada khasaare culusna uu geestay, markii xaqiiqada lasoo bandhigay ayayna Dowladda Fedaraalka taageerayaasheeda ugu baaqday in xogta rasmiga ah ee khasaaraha ay iyada ka sugaan oo ay usoo gudbin doonto, balse illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay utabisay taageerayaasheeda oo ku aaddan khasaarihii ka dhashay weerarka.
Imaaraatka Carabta iyo Masar ayaa kaalin muuqata waxa ay ka qaadanayaan duullaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya, waxaana ay marar badan ciidamo utababareen Dowladda Fedaraalka kuwaas oo ay ugu talagaleen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse waxa ay ciidankaasi lu le’deen dagaallo ka dhacay qaar kamid ah goballada dhexe ee Soomaaliya.
Taariikhdu markii ay aheyd 10 bishii Febraayo ee sanadkii 2024, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar inqimaasi ah ku qaaday, xerada Janaraal Gorden oo ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan Imaaraatka Carabta, iyadoona weerarkaas lagu dilay saraakiil laf dhabar u ahaa duullaanka xukuumadda Abu Dhabi ay ka wado Soomaaliya iyo Yeman, wixii ka dambeeyay weerarkaas, waxa hoos u dhacay saameyntii uu Imaaraatku ku kalaa duullaanka Soomaaliya, isagoo walwal xooggan ka qaaday darbada ku dhacday saraakiishiisa.