Dalka Yaman ayaa lagasoo sheegayaa, in lagu dilay mid kamida horjoogayaashii ugu sareeyay maleeshiyaad xiriir dhow la leh dawladda Yaman ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan, dilka hogaamiyahan ayaa ka dhacay gobolka Xadaramawt ee bariga dalkaas, wuxuuna dilkiisu kusoo aaday iyada oo hogaamiyayaal kale oo isaga lamid ah la dilay.
Ilo amni oo xog-ogaal ah ayaa sheegaya, in rag hubeysan oo aan haybtooda lagaranayn ay weerar dhabo gal ah ku dileen Axmed Cabdalla Shataan, ninkan ayaa ahaa hoggaamiyaha maleeshiyaad daacada u ah dawladda oo ka dagaalama gobolka Sacda ee waqooyiga Yaman, xiliga la beegsanayay ayuuna marayay waddada isku xirta gobollada saliidda hodanka ku ah ee Xadaramawt iyo Ma’rib, kuwaas oo ku yaalla bariga iyo waqooyi bari dalka Yaman.
Guddoomiyaha gobolka Sacda, ninka lagu magacaabo Haadi bin darshaan, oo ka tirsan dowladda Yaman ayaa barta uu ku leeyahay Faysbuuga ugu tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahan caanka ah ee u sareeyay maleeshiyaadka ka dagaalama gobolka Sacda ee xiriirka dhow la leh dawladda Yaman.
Hawgalkan qorshaysan ee lagu dilay Axmed Cabdallah Shataan ayaa sidoo kale galaaftay nin kale oo ku wahlinayay socdaalkiisa, kaas oo isna lagu magacaabo Maxamed Yaafici, waxaana sidoo kale weerarkaas uu dhaawac halis ah kasoo gaaray wiil uu dhalay horjoogaha la dilay.
Ma aha markii ugu horreysay oo la beegsado hoggaamiye ka tirsan maleeshiyaadkan gacansaarka dhow la leh dawladda Yaman. Gobolka Cabr oo ku yaalla inta u dhexeysa Xadaramawt iyo Ma’rib, ayaa sannadihii u dambeeyay dil qorshaysan loogu gaystay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo taageerayaasheeda daacadda u ah, waxaana illaa iyo hada la aqoonin cida sida rasmiga ah uga damabaysa dilalkan qorshaysan.