Xildhibaan Saadaq oo kamid ah Xildhibaannada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin la’dahay, qaraxii lala beegsaday ciidamadii ay qoraneysay ee lagu weeraray Xerada Damaanyo ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Dowladda Fedaraalka xittaa aysan ka tacsiyeyn askarta lagaga laayay qaraxaas, isagoo geesta kale xusay in xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay ka dhimatay dhanka cadaaladda.