Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh-dhexe ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaaladaas.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxa a howlhalkaan la beegsadeen sarkaal katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle.
Maxamed Gaalib oo ahaa sarkaal katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle, ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen howlgalkaan ay ka fuliyeen magaalada Jowhar.
Geesta kale weerar Madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xero ciidan oo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.
Madaafiicda ayaa lala beegsaday xerada Hiilweyne ee ku taalla duleedka degmada Balacad, waxaana lagu duilay ugu yaraan 6 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay 42 kale.