Wednesday, May 21, 2025
HomeAll NewsMadaafiic Lagu Garaacay Xalane & Askari Yugandheys ah oo Lagu Dilay Sh-hoose.

Madaafiic Lagu Garaacay Xalane & Askari Yugandheys ah oo Lagu Dilay Sh-hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar Madaafiic ah ku garaaceen, xerada Xalane ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa tiro madaafiic ah la bartilmaameedsaday, xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn Shisheeyaha ee ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaafiicda ayaa si toos ah ugu dhacay gudaha xerada, waxaana jira khasaare ka dhashay, balse faahfaahin lagma hayo inta uu la egyahay.

Geesta kale weerar lala beegsaday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobalka Sh-hoose.

Weerarka oo dhacay barqanimadii maanta ayaa waxaa lala beegsaday, saldhigga ay askarta Shisheeyaha Uganda ku leeyihiin degaanka Nambar60 ee gobolka Sh-hoose, waxayna dagaalkaasi ku dileen 1 askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.