Madaxweynaha maamulka ay Dowladda Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka ay gumeysato ee Soomaali-galbeed, ayaa si jees jees ah waxa uu uga hadlay, xasuuqa iyo tacaddiyada ay ka wadaan dhulkaas.
Mustafa cagmar oo ah hogaamiyaha maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Soomaali-galbeed ayaa waxa uu wax iska caadi ah oo mar walba dhaca ka dhigay, dilalka ay ciidankiisu xabsiyada ugu geysanayaan dadka rayidka ah.
Waxa uu dhaleeceyn u jeediyay dadka ka hadla dilalka iyo gaboodfallada xargaha goostay ee ay ciidamada maamulka Xabashida ku daaban ka wadaan dhulka Soomali-galbeed.
Isagoo sii hadlayay ayuu intaasi ku daray, in ay ku faraxsan yihiin leynta iyo tacaddiyada ay ku hayaan dadka rayidka ah, wuxuuna geesta kale qiray in ciidamada Bolisku ay dhawaan dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shaafici.