Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta markale ka dhaceen, duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
Dagaallada ayaa waxaa in ka badan 3 jeer lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaallada maanta dhacay lagu dilay 10 askari oo ay ku jiraan Taliye Urur lagu magacaabi jiray Cumar Yare, iyo Ilkacase oo ahaa tababare ciidan.
Sidoo kale waxaa dagaalladaan lagu dhaawacay 30 askari, waxaana suuragal ah in uu khasaaruhu sii kordho maadaama uu hadda horudhac yahay.
Dagaalladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaallo saddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay isla duleedka Moqokori ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 300 oo askari.