Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ka dhan ah askarta Kenya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ka fuliyeen, qeybo kamid ah gobalka Mandheera iyo gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Haddaan ku horeyno gobalka Mandheera, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaan katirsan gobalkaas.
Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Alluunga ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera oo kamid ah dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya.
Dhanka gobalka Gedo, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, xerada askarta Dowladda Fedaraalka ee la yiraahdo Xero Baraxow oo ku taalla degmada Luuq ee gobalkaas.
Illaa iyo hadda ma anaan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan, khasaaraha askarta Kenya iyo Dowladda Fedaraalka ku gaaray weeraradaan ka kala dhacay goballada Mandheera iyo Gedo.