Monday, July 7, 2025
HomeAll NewsWeerar Lagu Afduubtay Shaqaale Shiinees ah oo ka Dhacay Dalka Maali.

Weerar Lagu Afduubtay Shaqaale Shiinees ah oo ka Dhacay Dalka Maali.

Warar cusub oo laga helayo dalka Maali ayaa sheegaya, in rag hubaysan ay weerar ku qaadeen xarun ka shaqaysa qodista dahabka oo ay leedahay shirkad Shiinees ah, taas oo ku taalla deegaanka Naariinaa ee koonfurta dalka Maali, goobtan ayaa kaabiga ku haysa xadka uu dalkaasi la wadaago wadanka Gini-Koonakri, halkaas oo qiyaastii 80 Kiiloomitir u jirta caasimadda Maali ee Bamaako.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada laba oo ka mid ahaa shaqaale u dhashay dalka Maali, iyada oo weerarkan ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la xadidin. Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la xaqiijiyey inay afduubteen laba qof oo u dhashay dalka Shiinaha, kuwaas oo ahaa khubaro ka shaqeynaysay goobta laga qodayay macdanta.

Ilo-wareedyo amni oo ka tirsan dawladda Maali ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska, in weerarka la tuhunsan yahay inay fuliyeen xubno ka tirsan Jihaadiyiinta Nusratul Islaam wal-Muslimiin oo xiriir dhow la leh Urur waynaha Al-Qaacida ee ka dagaalama gobolka Saaxilka. Si kastaba ha ahaatee, Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaana dhankeeda wax wara kasoo saarin fulinta weerarkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in weerarkan uu sababay burbur xooggan oo gaaray xarunta shirkadda macdanta, taas oo uu hakad ku yimi dhamaan shaqooyinkii ka socday xarunta, waxaana wali socda baadigoobka labada qof ee la afduubtay, sida ay sheegeen illo ka agdhow laamaha amaanka ee dalkaas.

Gobollada Koonfurta Maali, gaar ahaan meelaha u dhow xuduudaha uu dalkaasi la wadaago dalalka Gini-Koonakri iyo Ayfari-koost, ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay weerarro noocan oo kale ah oo si gaar ah loogu beegsaday xarumaha ay shirkadaha shisheeye ku leeyihiin dalalkaas, kuwaas oo wada boob dhaqaalo oo lagula baxayo macaadinta qaaliga ah ee ku jirta dalalkaas.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.