Wednesday, May 21, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo in ka Badan 50 Ruux Maanta oo Kaliya ku...

Maamulka Yahuudda oo in ka Badan 50 Ruux Maanta oo Kaliya ku Dilay Marinka Qazza.

Guumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa kusii karaar qaadanaya xasuuqyada uu ka wado xaydaabka go’doonsan ee Qazza,  isagoona tan iyo waabarigii maanta oo Talaadado ah geystay xasuuqyo hor leh oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad fara badan oo rayid aan waxba galabsanin ah.

Wararka maanta oo Talaado ah naga soo gaaraya Marinka Qazza ayaa ku waramaya, in 12 qof oo shacab ah ay barqnimadii maanta ku shahiideen duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu ku qaadeen Iskuulka Muusaa Binu Nusayr, kaas oo gabaad u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugnaa xaafadda Addaraj ee bariga magaalada Qazza.

Sidoo kale, barqnimadii maanta, 15 qof oo ay ku jireen carruur ayaa ku shahiiday duqeyn cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay kaalin shidaalka oo ku taalla galbeedka mukhayyamka Nusayraad ee bartamaha marinka Qazza.

Magaalada Deyrul-Balax ee bartamaha marinka Qazza, waxaa ku shahiiday 13 qof kadib markii uu gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda uu duqaymo la beegsaday guri ku yaalla bariga magaaladaasi.

Sidoo kale, Todobo qof oo shacab ah oo ay ku jireen haween iyo carruur ayaa ku shahiiday duqeymo cirka ah oo ay Yahuuddu waaberigii maanta la beegsatay guri ku yaalla deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga marinka Qazza,  sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan halkaas.

Gumeystaha Yahuudda ayaa sidoo kale barqadii maanta duqeeyay guri ku yaalla xerada Jabaliya ee waqooyiga marinka Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday 9 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Wariye ka hawlgalo marinka go’doonsan ee Qazza ayaa kusoo waramay, in diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ay 10 weerar oo cirka ah maanta barqadii ka fuliyeen xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza iyo bariga Jabaliyal-Balad oo dhanka waqooyi kaga beegan marinka Qazza, iyadoo aan wali la helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaas.

Dadka ku shahiiday Marinka Qazza barqadii maanta oo kaliya ayaa gaaray 53 qof oo rayid aan waxba galabsanin ah, kuwaas oo u badnaa haween iyo caruur, marka lagu biiriyo tiradaas dadka ku shahiiday marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay oo Isniin ahayd ayaa kor u dhaafayo 138 qof oo rayid ah, kuwaas oo dhamaantood ku baxay duqeymaha uu kayyaan Yahuuddu ka waddo xaydaabka go’doonsan ee Qazza.

Waxaa intaasi dheer, dad faraha badan ee ku dhawacmaaya duqeymaas kuwaas oo aan haysanin daryeel caafimaad, maadaama kayyaanka Sahaayinada uu burburiyay xarumihii caafimaad ee xayndaabka.

Yahuudda oo taageero dhan walba ka helayso dowladda Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa xasuuqyo iyo majaazir ka waddo marinka Qazza tan iyo 7 Oktoobar 2023-kii,  waxaana xasuuqyadaasi ku shahiiday ama ku dhaawacmay in ka badan 174 Kun oo shacab ah, kuwaas oo u badnaa carruur iyo haween, in ka badan 11 Kun oo qofna waa la la’yahay,  halka boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.